ciidan boliska oo usoo xidhmay tababar lagu barayay habka casriga ah ee wax loogu dba galo alada Gps ka
Xubno kamida ciidanka Booliska deegaanka oo muddo qaadanayay tababar ku saabsan farsamada casriga iyo hab-isticmaalka GPS-ka ayaa maanta loogu soo gabagabeeyay Kulliyada tababarada Booliska DDS. Tababarkan ayay saraakiisha Boolisku ku baranayeen faa'iidooyinka Isticmaalka GPS-ka, si adeegbixinta Booliska deegaanka, shaqada dambi-ka hortaga iyo Baadhista looga dhigo mid ku shaqaysa Isticmaalka aaladaha casriga ah. Waxaana xaflada xidhitaanka oo loo qabtay Xubnahan saraakiisha ah ka soo qeybgalay Hoggaanka Nabad galyada DDS Mudane Dayib Axmednuur, Madaxa Xafiiska Xisbiga Barwaaqo ee Soomaalida Mudane Eng. Maxamed Shaalle, Wasiirka Xafiiska Madaxtooyada Dr.Xuseen Xaashi Qaasim, Wasiirka Xafiiska Cadaalada DDS Mudane Axmed Xaaji Samatar, Komishineerka Komishinka Booliska DDS Sareeye Guud Cabdi Cali Siyaad Iyo Masuuliyiin kale. Tababarkan oo muddo u socday saraakiishan booliska ayaa lagu baray cashiro kala duwan oo ay kamid yihiin isticmaalka Alladah...