waxaa manta tababar loo soo xidhay zarakiisha ciidan booliska
Xubno kamida ciidanka Booliska deegaanka oo muddo qaadanayay tababar ku saabsan farsamada casriga iyo hab-isticmaalka GPS-ka ayaa maanta loogu soo gabagabeeyay Kulliyada tababarada Booliska DDS.
Tababarkan ayay saraakiisha Boolisku ku baranayeen faa'iidooyinka Isticmaalka GPS-ka, si adeegbixinta Booliska deegaanka, shaqada dambi-ka hortaga iyo Baadhista looga dhigo mid ku shaqaysa Isticmaalka aaladaha casriga ah.
Waxaana xaflada xidhitaanka oo loo qabtay Xubnahan saraakiisha ah ka soo qeybgalay Hoggaanka Nabad galyada DDS Mudane Dayib Axmednuur, Madaxa Xafiiska Xisbiga Barwaaqo ee Soomaalida Mudane Eng. Maxamed Shaalle, Wasiirka Xafiiska Madaxtooyada Dr.Xuseen Xaashi Qaasim, Wasiirka Xafiiska Cadaalada DDS Mudane Axmed Xaaji Samatar, Komishineerka Komishinka Booliska DDS Sareeye Guud Cabdi Cali Siyaad Iyo Masuuliyiin kale.
Tababarkan oo muddo u socday saraakiishan booliska ayaa lagu baray cashiro kala duwan oo ay kamid yihiin isticmaalka Alladaha casriga ah ee lagula socdo dhaq-dhaqaaqa magaalooyinka iyo adeegyada loo baahdo si looga hortago dambiyada inta aanay dhicin iyo sidoo kale hababka gurmadada degdega ah loogu sameeyo meelaha Booliska kaalmo uga baahdo.
Hab-isticmaalka adeegan la baray ciidanka ayaa ah mid faa'iidooyin badan u leh kana keenaya dhanka Sugida amniga iyo xasiloonida caasimada kaas oo meel isugu keenaya xogta ku saabsan goobaha, wuxuuna sahlayaa in boolisku jawaab-degdega ka bixin karo marka ay dhibaato dhacdo iyada oo la isticmaalayo nidaamka jiheeyaha ee GPS-ka.
Masuuliyiinta ayaana kula dardaarmay xubnaha ciidanka Booliska ee qaatay tababarkan in ay sida loogu talo galay ay ugu adeegaan.
Ugu danbayna waxaa abaal marino iyo shahaadooyin lagu gudoon siiyay xubnihii sida firfircoon u qaatay tababarkan.
Waxaa xusid mudan in Xisbigeena Barwaaqo uu ahmiyad iyo mudnaan gaar ah siinayo nidaamka tiknolojiyadda casriga ah oo ah nidaam la jaanqaadaya casriga maanta.
#SomaliPros
Comments
Post a Comment